Ex.Wasiir Ciilmooge: “Mugdi Ayaa Iiga Jira Hiigsiga Dowladda Soomaaliya Ee 2016″

0
292

Muqdisho(INO)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdullahi Ciilmooge Xirsi oo dhawaan Xisbi lagu magacaabo Xiis kaga dhawaaqay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay in dowladda ay gaari karto hiigsiga 2016 Doorasho xor ah oo ka dhacda Dalka.

cilmooge

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta  ayaa waxa uu ku sheegay in sababta uu muujinayo walaacaasi ay tahay iyadoo ay dib u dhaceen dhamaan qorshayaashii lagu gaari lahaa Wadadaasi taasi oo uu xusay inay ugu wacan tahay Khilaafka Madaxda sare.

“Barlamanka waxa uu sameeyay dib u dhac oo howlo badan oo laga sugayay ayuusan wali qaban sidoo kale saameynta kale waxa ay tahay khilaafkii Madaxweynaha iyo Labadii Ra’iisul Wasaare ee Cabdiwali iyo Saacid” ayuu yiri C/laahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirkii hore mar la  weydiyey waxa dhici kara hadii aan la gaarin doorasho ayaa waxa uu sheegay in waxa kaliya ee la filayo ay tahay iyadoo waqtiga ay kordhisato dowladda oo ay ku darsato Labo Sano oo dheeri ah taasina waxa uu ku tilmaamay mid u muuqata in aysan cuntameyn. Ka sokow walaaca jira Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeesaneysa inay gaari karto Sanadka 2016 Doorasho ka dhacda Dalka.

 Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here