Ergooyinkii Shirka Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo ku qulqulaaya magaalada Baydhabo

0
187

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in maalmahan magaalada ay soo gaarayeen ergooyin ka qeyb noqon doono dhismaha dowlad goboleed loogu magac darey Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban 6da gobol ee kala ah Jubada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool iyo Gedo.

Wariye ku sugan Baydhabo oo la hadlay Shabakadda Idale News Online, ayaa noo sheegay in magaalada  ay soo gaareen odayaal iyo siyaasiyiin, kuwaasoo ka qaybgalaya maamulka u sameenta lix gobal oo ku yaalla koonfur-galbeed dalka Soomaaliya

Wariyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulka loo sameynayo ay soo gaareen magaalada Baydhabo.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddi dhawaan lagu magacaabay Baydhabo ay billaabeen inay sameeyeen guddi odayaal dhaqameed ah oo loo xil saaray qabanqaabada qabsoomidda shirka.

breakingIdaleNews

Si kastaba, waxaa maamulkan hor boodaya siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaan dhowaan shir Baydhabo ka dhacay oo uu ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa lagu go’aamiyay in maamul goboleed loo sameeyo gobollada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ma cadda sida uu maamulkan u hirgali doono, iyadoo qaar ka mid ah gobalada ku jiray ay lee yihiin hadda maamul kumeel gaar ah oo ah Jubba.

Marka laga reebo guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobaladan madaxda kale ee dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kama hadlin maamulka loo sameenaayo lixda gobal.