Ergooyinka Maamul u sameynta Gobolada dhexe oo lagu Bogaadiyay in ay Go’aan ka Qaataan Halka lagu Qabanaayo

0
214

Cadaado(INO)-Khilaaf sii Xoogeysanaayo ayaa waxaa uu ka dilaacay xubnaha Gudiga Maamul u sameynta Gobolada dhexe ee soomaaliya iyo Siyaasiinkasoo jeeda Gobolkaasi kaasi oo ku Aadan halka lagu Qabanaayo shirka Gogol dhiga Maamul u Sameynta Gobolada dhexe.

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa la isku heystaa Goobta lagu qabanaayo iyadoo Maamulka Ximin iyo Xeeb uu Dadaal Xoogan waxaa uu ugu Jiraa sidii shirkaasi Xarunta Maamulkiisa ay marti galiso halka Xubno ay Hor  boodayaan Gudoomiyaha Gobolka galgaduud Xuseen cali Wehliye Cirfo ay Doonayaan in shirkaasi lagu Qabtay Xarunta Gobolka Galgaduud Ee Dhuusamareeb.

cadaado

Imam Cabdulaahi khaliif rooble oo ka mid Cuqaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa uu Gudiga Farsamo Ee Maamul u Sameynta Gobolada dhex waxaa uu ugu Baaqay in ay go’aan ka qaataan khilaafaan sii xoogeysanaayo ee Dadka damacu haayo.

Imamka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in gudiga farsamo looga baahan yahay in ay Go’aamada ay Qaadanayaan uu ahaa Mid Dalka aan dib u dhac ku keeneunin sidoo kale waxaa uu Siyaasiinta ugu Baaqay in ay meel isku Raacaan.

Goobta Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galagduud ayaa waxaa illaa haatan ka Jira is Afgara waa.

Idale News Online, Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here