Ergo gaartay Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud

0
215

Dhuusamareb(INO)-Wafdi Odayaal Dhaqameed ah oo ka tagay Muqdisho ayaa Maanta waxay gaareen Magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Socdaalka Odayaasha ayaa ah sidii ay ugu qeyb gali lahaayeen Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha dega Gobolada Galgaduud & Mudug oo Shalay ka furmay Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu soo dhaweeyay Ergooyinkaasi oo iskugu jira Odayaal iyo Ugaasyo, sida uu Idaacada Kulmiye u sheegay Cali Xaashi Axmed Ugaas.

Dhanka kale, Cali Xaashi, ayaa sheegay in Maanta Ciidamada Nabad Sugida ay Ergooyinkaasi oo ka dhoofayay Garonka Diyaaraha Muqdisho ka reebeen C/laahi Geedi Shadore  oo loo diiday in uu ka Dhoofo Garoonka inkastoo markii danbe la siidaayay.

Waxaana uu Cambaareeyay Falka lagu Xanibay C/llaahi Geedi Shadoor oo u socday Maslaxada Ummadda Soomaaliyeed sida uu sheegay Cali Xaashi.

Idale News Online.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here