Dhageyso Eng Yaroow: “Jubooyinka dadkooda ma imaanin shirka Muqdisho ee waxaa yimid dad ay kala wateen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, labadoodana Nabad Jubooyinka kama keeni karaan”

0
211

Egn Yarow oo kamid ah dadka kaso Jeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa ka hadlay Arimo Badan oo Xasaasi ah isagoona ka hadlay Xaalada Gobalada Jubbooyinka iyo Sido kale Shirkii Dib u Heshisinta Beelaha Jubbooyinka ee kadhacay Muqdisho.

Ugu Horeyn Shirkii Heshiiska ahaa ee Kadhacay Muqdisho ayuu shegay in aan lo dhamayn isla markasna la Marin Habaabiyeey Shirka laguna Casumay Dad an Dagin Gobalada Jubbooyinka isla markasna shirkaas uu ahaa mid ay Saluugsanyihiin.

Dhageyso Eng Yariisow oo beelaha Mushunguli ee Jubooyinka oo arrimo badan oo xasaasi ah ka hadley [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/engYarow.mp3]

kismaayo

Wuxuu sheegay in Wixii kadambeyeey Bur Burkii Maxaakinta ay Saraakishaas Bilaaben inay Madaxa ka Toogtaan Dhalinyaro aad u Farabadan Dadkiina Barakiciyeen Ceelashiina Sun ku shubeen isagoo kawada Ciidamo uu watay Xiliyadaas Hogaamiyaha Mamaulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.
Wuxuu shegay in aysan Marnaba Maamuli Doniin Kismaayo Dad kayimaaday NFD Puntland Kilinka 5 Aad isla markaasna aysan Agtooda so mari Doniin dad an u dhalan Magaalada Kismaayo waxaana uu shegay Eng Yarow oo hada ku sugan Dalka Dibadiisa ay Nabad Doonayaan Balse aysan u Dul Qaadan Doniin in dad kayimid Dhulaal kale ay ku Maamulaan Kismaayo,

Wuxuu shegay in Axmed Madoobe uu Nabad ka keni Karin Gobalada Jubbooyinka isla ,markana uusan kala Aqoon Gobalada Jubbooyinka Sidaas Waxaa yiri Eng Yarow oo si kulul u hadlay.

Shirkii Muqdisho ee Dib U heshisinta Beelaha Jubbooyinka ee ku soo Dhamaaday Muqdisho ayuu shegay in usan ahayn Mid lo dhamaa isla Markasna Beelaha Qaar ay ka Maqnayeen Sida uu shegay Balse lo Bahanyahy in Dowlada Federaalka ay Qaab siman Wax u eegto.

Idale News Online