Eng, Abukar Macalin Garwaal oo ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka, wax garadka, iyo Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta fogaan araga ah ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya inay arkaan wax yaabaha ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ifafaalo ahaan aysan wanaagsaneyn loogana fadhiyo wax garadka aan kor kusoo xusay inay gacan ka geystaan sida uga dhaqsiyaha badana loo xaliyo siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka jira magaalada baydhabo si loo bad baadiyo jiritaanka umada iyo rabitaankeeda shacabka.
Eng,Garwaal mar uu ka hadlayay maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo uu madaxa ka yahay Md Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in maamulkaasi uu yahay mid ku yimid rabiyaanka shacabka laakin waxaan arkaa ayuu yiri in ay ku dhexjiraan dad dano kale ka shaqeynaya oo raba in maamulkaasi uu haltalaabo hore uqaadin,waxaad ka garan kartaan habdhaqanka maamulka uu hada ku socdo.
Eng,Garwaal oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri mararka qaar waxaa is leedahay waxa ka socda magaalada Baydhabo waa riwaayado oo aad loo casriyeeyay waxaa maqleysaa dibadbax xoogan oo ka dhan ah Shariif Xasan ayaa loogu hor tagay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo in uu magaalada gudaha usoo galo wey udiideen shacabka Koofur Galbeed doodi dheer kadib maalintii ay sedax jirsatay Shariif Xasan Muqdisho ayuu dib ugu laabtay.
Eng,Garwaal dhoor Maalin kadib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tagay magaalada Baydhabo isla wadadii Shariif Xasan la mariyay ayaa lasoo mariyay ogoowoo qof bahdilaad tii ugu xumeyd ku sameeysay isagoo ah madaxweynaha Soomaaliya oo weliba awood is badayo marna maha in aad ka filato wanaag dhankiisa.
Eng, Garwal Waxaa is weydiin mudan waxa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Xasan loogu diiday in ay gudaha ugalaan magaalada Baydhabo hadii ayagoo ka maqan gudaha magaalada Baydhabo uu ka soconayo qorshahoodi qalaf sanaa oo ahaa in caalamka ay tusaan in Baydhabo ay ka jiraan labo shir isbar bar socda hadana ay kusoo kordhiyeen labo maamul oo isbar bar socda isna diidan, Su’aasha aan weydiinayo masuuliinta Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya uu madaxa u yahay Md Madoobe Nuunow Maxamed iyo Aqalka Sare ee Golaha Guurtida Koofur Galbeed ayaa ah Aaway Dadweynihii Shariif Xasan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hor tagay Banaanbaxa una diiday inay gudaha usoo galaan magaalada Baydhabo?
Eng, Garwaal hadii dadweynahaasi weli taageero u hayaan maamulka 6 gobol miyey awoodi waayeen in ay ku Banaan baxaan kooxda Baar Bakiin ayna mariyaan wadadii ay mariyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan kana saaraan magaalada oo dhan balse hadeysan taasi dhicin sida ugu dhaq siyaha badan, waxaa meesha ka muuqata jiritaanka 6 gobol iyo rabitaanka shacabka dagaal ka dhan ah in uu ka socdo gudaha magaalada Baydhabo dadkii laga rabay in ay ka hor tagaana ay sugayaa inta uu cadaw gooda ka xidideysanayo.
Ugu dambeentii Eng Garwaal ayaa baaq ujeediyay Odayaasha Dhaqanka, wax garadka, iyo Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta fogaan araga ah ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya ee hada ku sugan magaalada Baydhabo in sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyaan siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka jira magaalada Baydhabo si loo badbaadiyo jiritaanka Umada iyo rabitaanka shacabka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online