Waxaa shir albaabada u xiranyihiin uga socda Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo Wasiirka arrimaha guda iyo amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/fitaax Ibraahim Geesay iyo saraakiil ciidan uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Sida wararka horudhaca ay ku heshay Ishabaydhaba kulanka ayaa looga wada hadlayaa dagaalkii maalmahaan kasocday gobolka Gedo gaar ahaan degmada Buulo-xaawo oo ay ka danbeeyaan maamulka kumeel gaarka ah ee Boobland.
Kulanka ayaa ah mid goordhow bilowday, waxaana la filayaa inay kasoo baxaan go’aano ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa dagaalka magaalada Buulo-xaawo iyo ku sugnaasha ku xigeenka Maamulka KMG Ee Jubba C/laahi Fartaag uu ku sugan yahay degmada Doolow.
Dhanka kale Wariyaheena ayaa kusoo waramaya in markii Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu soo gaaray Baydhabo uu ka diiday Warbaahinta inuu uga waramo socdaalkiisa uu ku yimid Magaalada Baydhabo.
Idale News Online, Baydhaba