Duulimaadkii ugu horeeyey ee Uganda Airline oo Muqdisho ka bilowday

0
282

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa maanta waxaa ka shaqo biloowday diyaarada Air Uganda oo dhawaanahan la hadalhaye inay ka shaqo bilaabi rabto dalka Soomaaliya.

ugandaAirline

Munaasabad ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si toos ah loogu daahfuray in diyaarada Air Uganda ay iminka kadib si toos ah uga shaqo biloowday dalka Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Uganda ee dalka Soomaaliya oo sharaxay ahmiyada ay leedahay in diyaarada Air Uganda ay ka shaqo bilowdo dalka Soomaaliya ayaa sheegay in imaanshaha Air Uganda ee Soomaaliya ay caawinayso shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka reer Uganda.

Wuxuu kaloo sheegay in diyaarada Air Uganda ay ka caawinayso Soomaaliya dhanka ganacsiga marka la eego dalalka Soomaaliya iyo Uganda.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ugu hambalyeynayo,ka shaqo bilaabida dalka Soomaaliya Diyaarada Air Uganda.

Wuxuu sheegay in arintani ay ku timid kadib markii cunaqabateynta laga qaaday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday KMG ayaa waxaa dalka uu ku tilaabsanaye horumaro kala duwan oo dhinaca dibada,inkastoo gudaha dalka uu gaabis badan jiro.

IdaleNews Online