Muqdisho (INO)— Duufaan hor leh ayaa laga cabsi qabaa in 36-saac ee soo socota inay ku dhufayo qeybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Badweynta Hindiya.
Sida ay xaqiijisay Hey’adda Maareynta macluumaadka biyaha iyo berriga ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay suura gal tahay in duufaantaas ay ku dhufato qeybo badan oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland.
Heyadda ayaa digniin ka soo saartay duufaantan oo loogu magac daray MEGH, waxaana la sheegay inay aad uga xoog badan tahay duufantii Chapala ee maalmo ka hor ku dhifatay deegaanada xeebaha bari ee Puntland.
Wasaaradda Dekedaha ee Puntland ayaa digniin u jeedisay shacabka degan deegaanada ku dhow xeebaha, sidoo kale waxaa looga digay kaluumeysatada inay ka ag-dhawaadaan xeebaha saacadaha soo socda.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in roobab iyo duufaanta is wada ay jaraan wadooyinka, waxaana meelaha la sii tilmaamay ka mid ah dhulka buuraleyda Golis.
Sidoo kale waxaa roobabka iyo duufaanta la sheegay inay saameyn ku yeelan karto wabiga Shabelle ee ka yimaada Itoobiya, isla markaana mara gobolada koofurta, sida Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Digniinahan ayaa dadweynaha waxaa loogu marinaya idaacadaha maxaliga, waxaana Maamulka Puntland uu sheegay inay diyaariyeen kooxaha gurmadka, si hadii ay musiibooyin ay dhacaan ay deegaanada u gurmadaan.
Idale News Online, Muqdish