Kismaayo(INO)- Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya in Duqeyn xalay ka dhacday Deegaanka Galoolshinbe lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ururka Shabaab.
Duqeyntaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka ee jooga Somaliya, ayaa waxaa ku wehlinaayay ciidamada DANAB ee Xooga dalka Somaliya, iyaga oo beegsaday Saraakiil ka tirsan Ururka Shabaab.
Deegaanka Duqeynta ay ka dhacday ayaa Kismaayo, wuxuu u jiraa 60-KM waxaana lagu magacaabaa Galoolshinbe, balse Shabaab ayaa ka bedelay magacaasi oo u bixiyay Deegaanka Qudus, dadka ku nool deegaankan waxa ay u yaqaaniin magaca Qudus.
Afar xubnood oo Ururka Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay Duqeynta ka dhacday Deegaankaasi, waxaana ka mid ahaa xubnaha la dilay Macalin Sahal oo ahaa Guddoomiyihii Shabaab ee Deegaaka Galoolshinbe/Qudus sida Dhacdo.com ay u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga Somaliya.
Howlgalka lagu dilay Xubnahan Shabaabka ka tirsan oo ahaa mid qorsheysan ayaa dhacay Saqdii Dhexe ee xalay, xilligaasi oo Deegaanka laga hurday, balse dadka mar kaliya ay ku soo baraarugeen jugta Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen.
Dadka Deegaanka Galoolshinbe, ayaa cabsi xoogan dareemaya maanta waxaana ay ka cabsi qabaan in Shabaab ay dadka kula dhaqaaqaan qab qabsho ku aadan inay ku tuhmaan bixinta macluumaadka ku aadan weerarkii qorsheysnaa ee xalay dhacay.
Ciidamada Kumaandooska ayaa la sheegay inay dhulka u daateen oo ay soo qabteen Maxaabiis ka tirsan Ururka Shabaab, sida ay macluumaadka nagu siiyeen Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Somaliya.
Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhaya weerarada qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamada Mareykanka ee Somaliya jooga iyo ciidaka DANAB oo ka tirsan Xooga dalka Somaliya, balse u tababaran fulinta weerarada qorsheysan.