Duqeymihii Sucuudigu Ku Hayey Yemen Oo Socda, Maraakiibta Dagaalka Ee Pakistan Iyo Masar Oo La Soo Dhoobay Badda Soomaaliya

0
202

Sancca(INO)-Dawladda Sucuudiga iyo dalalka Khaliijka ee xulafada la’ ah ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan gudaha dalka Yemen,

 waxayna doonayaan inay meesha ka saaraan dagaalyahannada Xuutiyiinta oo gacanta ku haya inta badan dhulka Yemen.

Duqeymaha Sucuudiga iyo Xulafadiisu ku hayaan Yemen, ayaa waxa ka dhashay khasaare nafeed, ka dib markii gantaallada ay tuurayaan diyaaraduhu ay cuskadeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo reer Yemen, halkaasi oo ay burbureen.

Telefiishannada adduunka ayaa baahinayey ilaa xalay muuqaallo kala gedisan, hasa-yeeshee ku arooraya khasaaraha duqeymahaasi keeneen, halka qaarkoodna baahiyeen guulaha lagu gaadhay duqeymahaasi.

Dhanka kale, Telefishinka laga leeyahay Sucuudiga ee Al-Carabiya ayaa shaaciyay in Isbaheysiga Sucuudiga uu dajiyey qorshe ay ciidamo militari ugu dirayaan gudaha dalka Yemen. Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay ciidamo si aad ah u hubeysan ay Yemen kasoo galaan dhinaca xaduuda Sucuudiga iyo dhanka badda.

Dalalka Masar, Pakistaan iyo Sudan ayaa la sheegay inay diyaariyeen ciidamo kuwa lugta ah oo la filayo in Maraakiib lagu keeno Yemen, halka uu Sucuudiga uu hadda xaduuda Yemen ku diyaariyey ciidamo gaadhaya 150 kun oo askari.

Afhayeen u hadlay dowladda Sucuudiga oo uu telefishinnka al Carabiya soo xigtay ayaa sheegay inay jiraan wadamo kale oo taageero u muujiyey qorshaha isbaheysiga Sucuudiga.

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in laga codsaday in la isticmaalo hawadiisa iyo Baddiisa, xilli laga cabsi qabo in dagaalka uu u soo gudbo xeebaha u dhaw Soomaaliya, halkaasi oo ay hadda soo gaadheen Maraakiibta dagaalka ee Masar iyo Pakistaan oo doonaya inay badda ka xidhaan gurmad Xuuthiyiinta Yemen uga yimaadda dhinaca dalka Iran.

 Duqeynta ayaa la sheegay inay sii socon doonto si loo wiiqiyo awoodda militari ee Xuuthiyiinta ka hor inta ayna ciidamada lugta ayna gudaha u gelin dalka Yemen.

Dawladda Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey Jimcihii shalay waxay ku taageertay duulaanka Sucuudigu ku qaadey Xuutiyiinta Yemen.

War-saxaafadeedka Dawladda Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxay go’aansatay In midnimada waddanka Yemen iyo nabad-galyadiisa dhuleed ay tahay lama taabtaan.Waxaan adkeyneynaa inay waajib ku tahay dhammaan dhinacyada isku haya Yemen, ka qayb galka shirka wada-xaajoodka Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Yemen Cabdirabbu Mansuur Haaddi.

Waxaan bogaadinaynaa boqortooyada Sacuudi Carabiya oo fidisay go-gosha wada-xaajoodka reer Yemen.Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxay taageeraysaa tallaabooyinka boqortooyada Suucuudi Carabiya iyo xulafadeedu qaateen ee ujeedkeedu yahay inaan Yemen lugaha la gelin dagaal sokeeye iyo degganaansho la’aan aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto.

]Waxaan ku garab taagan nahay dowladda Yemen dagaalka ay kula jirto kooxaha argagi-xisada ah ee doonaya inay ku cayaaraanammaanka iyo xasilloonida Yemen, Soomaaliyana waxay diyaar u tahay inay ku biiriso wixii awooddeeda ah xukuumadda wadanka Yemen, si looga guuleysto argagixisada.Inaan xukuumadda Yemen iska kaashanno ka hor-tagga falalka burcad-badeedda ee dhibka nagu wada haya, si loo sugo ammaanka marin badeedka muhiimka ah ee Baabul-Mandab…”

Hasa-ahaatee, dagaalkan Sucuudiga iyo xulafidiisu ku qaadeen Yemen oo ku baahaya Badda Soomaaliya, ayaa saamayn togan ku yeelanaya nolosha dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ilaa Hargeysa, maadaama oo la sheegayo inay xeebaha Soomaaliya soo gaadheen Maraakiibta dagaalka ee Masar iyo Pakistan, kuwaasi oo doonaya inay ka hor-tagaan gurmad dhanka Iiraan uga yimaadda Xuutiyiinta Yemen. Waxaana Maraakiibtaasi iyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee aagaasi ka socdaa uu hakad gelin karayaa gaadiidka ganacsiga ee ka imanaya dalalka Khaliijka, sida Imaaraadka oo ka mid ah dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ku xidhan yihiin ganacsi ahaan. Iyadoo sidoo kalena ay suurto-gal tahay in dagaalkaasi ku baaho badda Cas ee Somaliland baddeedu ka mid tahay.

Sidoo kale, diyaaradaha rakaabka ee iskaga gudbo Somaliland, Soomaaliya iyo Khaliijka ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay la hakiyey, si aanay dhibaato uga soo gaadheen diyaaradaha dagaalka ee Khaliijka.

Idale News Online, Sancca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here