Muqdisho [INO] Waxaa shalay magaallada Muqdisho soo gaaray madax-weynaha maamul goboleedka Puntland Cabdi Wali Gaas iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka mid yahay wasiirkiisa ganacsiga Cabdi wali Indho Guran kuwaasoo isla markiiba kulan ay albaabada u xiranyihiin la galay xildhibaannada Puntland ka socda ee labada aqal.
Warar sugan oo ka soo baxay ujeeddada socdaalka ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay u soo dirtay inay xildhibaannada Puntland ka socda ee labada aqal ay ka dhaadhiciyaan inay codkooda siiyaan Xasan SHiikh Max’ud ama Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke, war ku dhow kulankii ay labadaas nin la qaateen Xildhibaanadaas ayaa oo ay IdaleNews heshay ayaa- sheegaya in lacag 3.7 milion oo dollar ah uu Xasan Shiikh maxamuud soo gaarsiiyeen Cabdi Wali Gaas iyo Cabdi Wali Indho Guran, taasoo loogu talo galay in loo isticmaalo hab musuqmaasuq ah oo la doonayo in lagu laaluusho xildhibaanadaas si ay codkooda u siiyaan Xasan Shiikh Maxamuud ama haddii kale Cumar cabdirasheed Cali sharmarke.
Warkan ayaa intaas ku daraya, in Gaas iyo Indho-guran ay arrintan ugu jiraan dadaal aad u xooggan, waxayna isku dayayaan inay xildhibaanada ku qasbaan ilaa iyo inta awoodoodu tahay sidii ay ugu codeyn lahaayeen labadaas musharax oo sida la sheegay ay dowladda Itoobiyo doonayso inuu midkood soo baxo.
Waxaa warku sheegayaa in labada nin intii aysan Garowe ka soo bixin ay kulan irridaha u xiranyihiin la galeen saraakiil ka socotay dalka Itoobiya oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka dalkaas, kuwaasoo si qasab ah iyo amar ka muuqdo ugu tirtirsiiyay labada nin inay ololahaas ka qayb qaataan. Cabdi wali Indho Guran oo isagu horay wasiir ku xigeenka caafimaadka uga soo noqday dalka Itoobiya ayaa ka cararay dalkaas ka dib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday lacag faro badan oo loogu talo galay mashaariic xagga caafimaadka la xiriirtay, waxaana jirta in dad badan ay rumaysanyihiin inuu xiriir dhow oo sokeeye la leeyahay Itoobiya, ama uu yahay xubin sare oo ka tirsan sirdoonka itoobiya.
Ugu dambeyntii, itoobiya ayaa dhammaan maamul goboleeddada dalka waxay ka wadaa olole ay ku adeegsanayso madaxda maamul goboleeddada si ay ugu ololeeyaan musharaxiinta ay rabto inay doorashada ku soo baxaan, waxaan xildhibaanada labada aqal si loo cabsiiyo waxa kasta oo la rabo inay ogolaadaan loo sheegaa inay wadato dowladda Itoobiya.