Guddiga qaabilsan kormeerka cafimaadka ( Medical Practitioners Tribunal Service (MPTS)) ee wadanka Ingriiska oo la hordhigay in ay go’aan ka gaaraan Dr. Cali Macow kadib markii lagu helay asagoo talo ku bixinaayo gudniinka ayaa soo jeediyay in laga tirtiro liiska xirfadlayaasha Dhaqaatirta Ingririiska tas oo suura gelineyso haddi la fuliyo amarkaas in uusan ka shaqeyn karin wadanka Ingiriiska.
Dhakhtar Cali Macow ayaa suxufiyad si qarsoodi ah uga duubtay cajalad iyadoo iska dhigeysa haweenay dooneysa inay gudo gabdho ay eedo u tahay, waxaana cajaladan laga duubay dhakhtar Macow oo sida la sheegay sharaxaya sida uu haweenaydaasi u caawin karo in la gudo gabhahaasi.
Guddiga qaabilsan kormeerka Dhakhaatiirta ayaa Talaadadii lasoo dhaafay 27 May, loo soo bandhigay cajaladii laga duubay iyo xiriirkii Talefoonka ee dhexmaray haweenaydaasi iyo dhakhtarka.
Waxaa sidoo kale dhakhtarka lagu heystaa inuusan haweenaydan ka dhaadhicin inaysan gudin gabdhaha balse uu talo kusiiyey inay wadan kale gudniinka kusoo sameyso, xili uu dhakhtarka ogyahay in Gudniinka mamnuuc ka yahay dalka UK, sidaa ayaa lagu qoray jariirada Daily Mail oo daabacday warbixin dhacdadan la xariirta
Dr. Cali Macow ayaa isku difaacay in uusan famin wax ay ka hadleyso gabadha isla markaasna ay ugu wacan tahay in uu san si wanaagsna u fahmin madaama luqadiisa ingiriiska kooban tahay.
Waxaa la sugaya go’aanka kasoo baxo Guddiga qaabilsan kormeerka cafimaadka madaa ay talo ku bixiyeen in laga tirtieo liiska xirfadlashaa dhaqaatiirta ingriiska.
Idale News Online, London, UK.