Dowladda Sweden Oo Ka Qeyb Qaadaneysa Dhismaha Ciidanka Koonfur Galbeed

0
199

Baydhabo(INO)- Saraakiil ka socotay ciidanka Booliiska Sweden ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxay kulan kula qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka wada hadleen arrimo u badan dib u habeynta ciidanka Booliiska maamulkaasi.

Kulankaan oo socday ku dhowaad saacad ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii ay dowladda Sweden ay kaalin xooggan uga qaadan lahayd dhismaha, tayeenta iyo qalabeynta Booliiska K/galbeed.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Maria oo ka tirsan saraakiisha Booliiska Sweden iyo ku simaha madaxweynaha Koonfur galbeed Maxamed Xasan Fiqi.

Fiqi ayaa ugu horreyn u mahadceliyey dowladda Sweden, waxaana uu ka dalbaday in maamulkooda laga taageero dhismaha ciidamada Booliiska gaarka ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ku saabsan dhismayaal saldhigyo oo gaaraya 3 oo laga dhiso magaalooyin kala duwan oo K/galbeed ah, waxaan wafdiga siinnay warbixinno arrimaha amniga ku saabsan, waxaan ka codsannay in Booliiskeenna naloosiiyo tobabar dheeraad ah oo intaan ka sarreeya, waxaana rajeyneynaa in la teyeen doono Booliiska Koonfur galbeed”

Maria oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa u ballanqaadey Koonfur Galbeed sidii ay kaalin uga qaadin lahaayeen dib u dhiska iyo tayeenta ciidamada Booliiska Koonfur galbeed Soomaaliya.