Muqdisho(INO)- Dowladda Somaliya, ayaa waxay si ku meel gaar ihi u joojisay qaadka ka baxa beeraha dalka Kenya, lana keeni jiray dalka, iyadoo sheegtay inaanan la keeni karin guud ahaanba dalka.
Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay si ku meel gaar ihi u joojisay qaadka laga keeno Kenya.
Wasiirka, ayaa cadeeyay laga bilaabo Talaadada berrito ah inaysan magaalooyinka dalka ka soo degan karin diyaaradihii qaadka looga soo daabuli jiray Kenya.
Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa tilmaamay in daruufo jiro awgood ay si ku meel gaaar ihi u joojiyeen duulimaadyada qaadka ee ka deggi jiray Somaliya.
Wasiirka, ayaan kala cadayn baahida keentay in xilligan la joojiyo qaadkii laga keeni jiray Kenya, balse ay dib ka soo sheegi doonaan, sida uu yiri.
Dhinaca kale Dowladda Somaliya, ayaa waxay ganacsatada qaadka ku wargelisay laga bilaabo 6-da bishan oo berrito ku beegan, aanay dalka keeni karin qaadka Kenya.
Ugu dambeyntii, Maxamed Cali oo ka mid ah guddiga ganacsatada qaadka, ayaa sheegay inaysan jirin wax sabab ah oo Dowladda Somaliya ay u sheegtay, marka laga soo taggo in lagu wargeliyay inaysan dalka keeni karin qaadka Kenya.