Muqdisho(INO)-Dowladda Somaliya, ayaa waxay galabta soo bandhigtay liiska magacyada 11 xubnood oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, iyadoo dhinaca kalana ay lacago dul dhigtay.
Ragga sida weyn loo doon doonayo, ayaa waxaa ka mid ah Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Diiriye, balse isu magacaabay Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda).
Shirkii Golaha Wasiirada Somaliya ee Khamiislaha ahaa, ayaa lagu ansaxiyay magacyada Saraakiisha Al Shabaab iyo lacagaha la dul dhigay, waxaana lacagaha la siin doonnaa cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.
Afhayeenka Xukuumadda Somaliya Ridwaan Xaaji C/weli oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa kaga dhawaaqay magacyada Madaxda Al Shabaab iyo cadadka lacagaha la dul dhigay.
Axmed Diiriye oo loo yaqaano Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda) 250,000 oo dollar
Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) 150,000 oo lacagta Mareykanka ah
Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) boqol kun oo dollar ($100,000US)
C/laahi Cabdi Jimcaale oo loo yaqaano (Daa’uud Suheyb) 100,000 oo dollar
Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) 100,000 oo dollar
Xasan Maxamed Cali (Cali Afgooye) 100,000 oo dollar
C/laahi Cismaan (Ismaaciil) 100,000 oo dollar
Maxamed Cabdi Muusaa (Haabiil) 100,000 oo dollar
Sheekh Maxamed Maxamuud Dulyadeen 100,000 oo dollar
Yaasiin Cismaan (Kilwa) 100,000 oo dollar
Maxamed Maxamuud Nuur (Suldaan) 100,000 oo dollar.
Idale News Online, Muqdisho