Baydhabo(INO)-Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Ee KGS ay gacanta ku soo dhigeen rag la tuhunsan yahay inay ka danbeeyaan dil Magaalada Baydhabo loogu geystay Wariye Daa’uud Cali Cumar.
Wasiirka wuxuu sheegay in Tumanayaashaasi lagu soo qabtay howgal ay Ciidamada amaanka maamulka Koonfur galbeed ka sameeyeen magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.
Sidoo kale,Wasiirka arimaha gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan rag kale oo Tuhun ku jiro oo Ciidamada amaanka ay ku daba jiraan, isagoona carabka ku adkeeyay in iyagana Cadaalada la horkeeni doono.
Maalmo ka hor ayay ahayd Markii Kooxo hubeysan oo ilaa iyo hada la garaneyn magaalada Baydhabo ku dileen Alle ha u naxariistee Wariye Daa’uud Cali Cumar iyo Xaaskiisa.
Alle ha u naxariistee Wariye Daa’uud Cali Cumar ayaa ka shaqeyn jiray Radio Baydhabo oo ku taalo magaalada Baydhabo.
Idale News Online, Baydhabo