Dhageyso:Dowladda Koonfur Galbeed oo Tababar u Furtay Ciidan Ka Qeyb Qaata Sugidda Amniga

0
363

Baydhabo(INO)-Dowladda Koofur galbeed  Soomaaliya  ayaa sheegtay in degmooyin ka tirsan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose tababaro looga furay ciidamo Dowlada KGS ugu talagashay sugida amniga deegaannada Koonfur galbeed Soomaaliya.

CIIDANKA KGS

Wasiirka Hub Ka Dhigista , dhaqan celinta iyo Tababaradda maleeshiyaadka ee  Dowladda Koonfurgalbeed Xasan Xuseen  Maxamed ( Xasan Eelaay) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan sidii deegaannada Dowladda KGS looga sifeyn lahaa haraadiga maleeshiyada  Kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Konfurgalbeed oo kaashaneysa dowladda Federaalka ah waxa ay tababaro furtay ciidamo maamulka uu ugu talagalay sugidda amniga, ciidankaasi tobanka degmada ee labada gobol ayay tababaro uga socdaan, runtii kalsooni badan ayaan ku qabnaa in ciidankan markii uu tababarka u soo idlaado ay wax badan ku soo kordhiyaan xagga amniga” ayuu yiri Xasan Xuseen Maxamed.

Ugu dambeynti Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadka ay qaldeen kooxda Shabaab ay heystaan fursad ah inay isu soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, si dhaqan celin loogu sameeyo xarumo Dowladda koonfur galbeed ugu talagalay maleeshiyaadka ka soo goosta Al-Shabaab.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here