Dowladda KGS Oo Xilal Muhiim Ah U Magacaabayso Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir

0
244

Baydhabo(INO)-Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo aad ula socda siyaasadaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Warbaahinta Idale News Online u xaqiijiyay in Dowladda KGS  ay billaawday isballaarin iyo in uu dib u howlgeliyo guddoomiyihii degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood iyo horjoogayaashii ciidamada.
Guddoomiyayaal

Wararku waxay intaas ku darayaan in  Mudaxweyne Shariif Xasan uu xilal u magacaabayo Guddoomiyayaashii Degmooyinka Wadajir Axmed Xasan Caddow (Daaci), Guddoomiyihii degmada Howl-wadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar iyo Guddoomiyihii degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed.

Guddoomiyayaashan ayaa waxay heystaan Wareegto uu xilal muhiim ah ugu magacaabay Madaxweynaha Dowladda  Koonfur Galbeed  Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Xasan, Guddoomiyihii Degmada Howl-wadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar ayaa loo magacaabay xil dhinaca hoggaanka ciidamada ah, halka guddoomiyihii Degmada Wadajir Axmed Daaci loo magacaabay Degmada Baraawe. Sidoo kalena, Guddoomiyihii Degmada Wardhiigleey Deeqo C/qaadir Axmed ayaa iyadana lagu wadaa in loo magacaabo Guddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya oo soohdintiisa soo gaarsiiyay deegaanka Jaziira iyo Ceelasha Biyaha ayaa u muuqda mid isballaarinaya, isla markaana dib u howlgelinaya guddoomiyihii degmooyinka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday, waxayna tani dad badan u fasirayaa in ay tahay qaladka  Dowladda  sammeynayso, kaasi oo keeni kara in ay isku dhacaan dowladda dhexe ee Soomaaliya

Ugu dambeyntii Daaci, Jacfar iyo Deeqo ayaa ka mid ahaa guddoomiyayaashii ugu awoodda badnaa ee degmooyinka Gobolka Banaadir, xilligii maamulkii Gobolka Banaadir ee uu madaxda ka ahaa Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), hayeeshee xilalkaas waa laga qaaday waxaana lagu bedelay guddoomiyayaal kale.

Maxay kula tahay?

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here