Dowladda Kenya oo sheegtay in ay iyadu ka dambeysay masuuliyada diyaaradaha gantaalaha la dhacay Al Shabaab.

0
187

Dowladda Kenya, ayaa ku faantay in ay iyadu lee dahay diyaaradihii galabta duqeymaha xoogan la dhacay fariisimaha Ururka Al Shabaab, ay ku lee yihiin deegaanka Kalabeyrka ee Gobolka Gedo.

Duqeymahaan oo ahaa kuwo si weyn looga maqlaayay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxaa lala eegtay dhufeysyada dagaal-yahanada Al Shabaab, ay ku lee yihiin deegaanka Kalabeyrka.

Major Emmanuel Chirchir, Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in duqeymahaan, ay ku dileen Saraakiil waaweyn oo ka tirsan Al Shabaab.

Afhayeenka, muusan xusin magacyada iyo waxa ay isugu jireen Saraakiisha Ururka Al Shabaab, ee ay ku dileen duqeymaha ay ka geysteen deegaanka Kalabeyrka.

Emmanuel Chirchir oo warkaan ku daabacay bogga uu ku lee yahay Facebook, ayaa wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in ay waxyeelo u geysteen masuuliyiin ka tirsan Al Shabaab.

Inkastoo aan si rasmi ah loo garanayn inta uu dhan yahay khasaaraha duqeymahaan ka dhashay, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaaya, in uu khasaaro badan ka soo gaaray Al Shabaab.

Diyaarad Dagaal.

Idale News Online