Dowladda Jarmalka oo Shaacisay inay Shaqaalaheeda kala baxaaya Magaalada Sanca ee dalka Yemen

0
235

Barlin(INO)-Dowladda Jarmalka, ayaa waxay Shaqaalaheeda ka hawlgala Safaaradda ay ku lee dahay Magaalada Sanca ee dalka Yemen ku wargelisay, inay si deg deg ah ugu diyaar garoobaan, si looga soo saaro dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Shaqaalaha reer Yemen ee Magaalada Sanca, ayaa waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ku soo wargelisay, in si deg deg ah ay Shaqaalaheeda ugala baxeyso dalkaasi.
Tani waxaa sabab looga dhigay dalalka Reer Galbeedka oo ka walaacsan xukunkii dalkaasi oo ay la wareegaan Xoogaga Xuuthiyiinta, oo Reer Galbeedka ugu yeeray inay joojiyaan fara-gelinta ay ku hayaan dalkaasi.

Tallaabada uu Jarmalka Shaqaalahiisa ugala baxaayo Magaalada Sanca, ayaa waxay daba socotaa, iyadoo Mareykanka, Britain iyo Faransiiskuba, ay shaaciyeen inay albaabada u laabeen Safaaradahooda Magaalada Sanca.

Sidoo kale Ururka Midowga Yurub, ayaa maanta baahiyay in Shaqaalahiisa Magalaada Sanca ku sugan, ay ugala baxayaan muddo 48 saacadood ah.
Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Yemen haweeneyda lagu magacaabo Bettina Muscheidt, ayaa waxay ku dhawaaqday in muddo 48 saacadood ah, ay Shaqaalahooda ugala baxayaan dalka Yemen.
Tani, ayaa waxay meesha ka saareysaa xiriirkii Reer Galbeedku kala dhaxeeyay dalka Yemen, bacdamaa ay xukunkii dalkaasi la wareegeen Xuuthiyiinta, oo si dhow loola xiriiriyo Iran, oo dal Shiica ah.

Idale News Online, Barlin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here