Dowladda Itobia oo ka hadashay qarixii maanta ee Addis Abeba iyo soomaali ka dambeysay

0
175

Wasiirka warfaafinta Redwan Hussein oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa ka hadlay qarixii saakay ka dhacay magaalada Adiis Abeba, caasimadda dalka Itoobiya kaas oo geystay khasaaraha dhimasho ee laba ruux.
Mr. Redwan ayaa sheegay in ragga dhintay ey ahaayeen soomaali, wuxuuna intaa raaciyay in ay ahaayeen kuwo farsameynayay bomka.

Ujeedkooda ayuu sheegay in aheyd in ay ku bartilmaameedsadaan magaalada Addis Abeba.

Waxa uu sheegay in ragga dhintay ay ahaayeen kuwo si dhuumaaleysi ah ku soo galay dalka oo sharci la`aan ah, waxaana uu intaa raaciyay in guriga ey bomka ku sameynayeen uu ahaa mid ay kireysteen oo ku yaal caafad u dhow garoonka diyaaradaha Addis Abeba.

Wasiirka ayaa sheegay in eysan wali cadeyn cidda soo dirtay raggan, iyo halka ey salka ku hayaan, isagoona cadeeyay in ey wali socdaan baaritaanada.

Dowladda Itoobiya ayaa weerarkii Kenya kadib sheegtay in ey ka feejigan tahay weeraro lagu soo qaado Itobia.

Idale News Muqdisho