Dowladda Azerbaijan oo xaqiijisay in Muwaadin looga Dilay Muqdisho

0
329

Baku (INO)—Dowlada Azerbaijan ayaa sheegtay in haweeney u dhalatay dalkaasi ay ku geeriyootay weerar shalay Muqdisho lagula bartilmaameedsaday dad isagu jiray Ajaanib iyo Soomaali.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa xaqiijiyay in weerarkii lagu qaaday shaqaale u dhashay dalka Turkiga ay ku jirtay haweeneyda u dhalatay Azerbaijan oo magaceeduna lagu sheegay kamala Ismayilova.

Meydka haweeyneydaasi ayaa la filayaa in dhawaan dalkeeda loo duuliyo, waxaana Safaraada Azerbaijan ee dalka Turkiga ay xiriir la soo sameysay Dowlada Somaaliya.

Kamala oo ah  haweenay dhashay labo caruur ayaa in ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi lagu Dilay Ajaaniibtii isagu jiray Turki, Azerbaijan iyo Soomaali.

Idale News Online, Baku

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here