Dowlada UK Oo Ka Baxay Ururuka Midowga Yurub

0
374

London(INO)-Dalka Inigiriiska ayaa ka baxay ururka Midowga Yurub kadib marki ay shacabka dalkaasi maya ugu codeeyeen afti taariikhi ah oo shalay ka dhacday dhamaan dalalka la isku dhaho Boqortooyada Midoobay ee UK.

Natiijada aftida oo goor dhaw soo baxday ayaa muujineysa in 52% dadka ay u codeeyeen maya, halka 48% ay u codeeyeen haa, hase yeeshee Ingriiska kama sii mid ahaan doono Midowga Yurub oo uu xubin ka ahaa mudo 43 sano ah.

London iyo Scotland ayaa u codeeyey kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub, laakin natiijooyinka liitay ee kasoo baxay dhinaca waqooyi ayaa fashiliyey rajadi ay dadka taageersan Midowga Yurub qabeen.

Hogaamiyaha xisbiga UKIP Nigel Farage ayaa natiijada aftida taariikha ahayd ku tilmaamay in ay ka dhigantahay maalinta madaxbanaanida Ingriiska.

Lacagta pound-ka Ingiriiska ayaa marki ugu horeeysay tan iyo 1985-ki uu hoos u dhac weyn ku yimid, waxaana arrintaasi ay jawaab u aheyd falcelinta ay suuqyadu ka sameeeyeeen isbadalka weyn ee ka dhacay Ingiriiska.

Usoo bixida codadka ayaa aheyd 71.8% taasoo ka dhigan in ay codeeyeen dad ka badan 30 million oo ruux, waana marki ugu horeeysay oo ay dad tiradaasi la eg usoo baxaan cod bixin tan iyo sanadki 1992.

Meelaha ugu badan ee ay dadka diidan Midowga Yurub ka codeeyeen ayaa ah gobolka England, banaanka London iyo Wales.

Britain wuxuu noqonaa wadanki ugu horreeyey ee ka baxay EU tan iyo marki la yagleeyey ururkaasi, hase yeeshee tani micnaheedu ma ahan in Britain ay markiiba ururka ka baxday waayo waxay qaadan doontaa muddo lab asana ah.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay