Muqdisho(INO)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu xiligaani cadaadin xoogan kala kulmayaa Dowladaha saaxiibada dhow la ah Somalia gaar ahaan kuwa reer galbeedka.
Wararku waxa ay sheegayaan in booqashadii John Kerry kadib uu sii xoogeystay cadaadinta Madaxweynaha uu kala kulmaayo Dowlada Mareykanka oo iyadu cabsi ka qabto in Madaxweynaha uu kororsado waqtiga u harsan.
Ujeedka Booqashada Kerry ayaa ahey kaliya mid ku qotonta in Madaxweyne Xassan uu kala hadlo inuu u dhabagalo ololaha lagu qabanaayo Doorashooyinka oo aan saansaanteeda ka muuqan Soomaaliya.
Inta badan Beesha Caalamka ayaa xiligaani aan la dhacsaneyn Siyaasadaha ka taagan gayiga Soomaaliya, kadib markii Dowladu la sheegay inay ka faa’iideysan weysay taageerida ay la garab taagan tahay Caalamka.
Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegay inay og yihiin inaysan Doorashooyinkaasi dhici doonin.
Sidoo kale, Saraakiisha ka tirsan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka waxa uu carrabka ku dhuftay inay haatan indhaha ku hayaan dhowr xulasho oo loo qaban karo Doorashooyinka, isla markaana ka duwan qaababkii hore ee lagu dooran jirey Hoggaamiyayaasha Soomaalida.
Hadalka iyo dadaalada Dowladda Maraykanka ayaa muujinaya inay doonayaan Isbedel lagu sameeyo qaabka wax loo dooran jirey, si meesha looga saaro hab-dhaqanka gurracan ee ay u dhaceen Doorashooyinkii hore.
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan oo ka duulaayo baaqyada kaga imaanaya Dowladaha saaxiibada la ah Somalia, ayaa waxa uu wadaa dadaalo uu Somalia kaga hirgalinaayo doorasho aan horay uga dhicin taasi oo ah nin iyo codkiisa.
Idale News Online, Muqdisho