Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland oo warar hoose sheegayaan in ay ogolaadeen shir ay Itoobiya ku dhexdhexaadinayso

0
162

Wararka naga soo garaya Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka kenya ayaa waxaay tibaxayaan  in wafdigi Jubbaland  ee dhawanahaanba socdaalka ku marayay wadamada dariska ah ay bartamaha usbucan ku wajahan yihiin Magaalada Adis Abaaba ee Xarunta Wadanka Itobiya.

Ujeedada Socdaalka wafdigaani ayaa waxaa lagu sheegay kulan Magaalada Adis Abab ku dhexmari doona  Masuliyiinta Dowlada Fadaralka Somalia iyo Masuliyiinta Maamul Goboleedka Jubbaland.

 

Kulan kaan ayaa waxaa so abaabulaya Dowlada Itobiya waxaana loga gol leyahay in la isku soo dhaweyo mowqifyada is diidan ee labada dhinac ay ka kala tagan yihiin Xal u helida Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaana kulan kaan u imanaya Xili Maamulka Jubbaland  uu gabi ahaanba diiday in uu ka qayb qaato  Shirweyne Dowlada Somalia ay ku baaqday in lagu qabto magaalada Muqdisho kaas oo loga hadli lahaa Xal u helida Jubboyinka iyo Gedo.

Sida lagu helaayo  ilo xog ogaal ah ayaa muujinaaya  in Dowlada Fadaraalka Somalia ay ogolaatay in ay ka qayb gasho shirka ka dhacaya magaalada Itoobiya ee Adis Abaaba sidoo kale Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobana uu isna ogolaadey ka qeybgalka shirka Addis Ababa.

Wali ma Cada Taarikhda rasmiga ah ee uu sharkaasi dhacayo iyo Cida Dowlada Fadaralka u matali doonta Shirkaasi balse waxa kaliyah ee la hubo ayaa  ah in shirkaasi uu dhacayo dhamadka usbuucaan una ka dhacayo Magaalada Adis Abaaba.