Wasaarada arimaha dibada ee dowlada Mareykanka ayaa soo saartay diginiin ku aadan safar muwaadiniinta Mareykanka ay u safraan dalka Jabuuti, kadib baqdin laga qaaday amniga dalkaasi.
Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay inay jiraan warbixino dhanka amniga oo ay helayaan oo ku wajahan xaalado dhanka amniga ee dalka Jabuuti iyadoo 24 kii May dalkaasi ay ka dhaceen qaraxyo waxyeelo geystay.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay dalka Jabuuti kaasi oo sababay dhaawacyo soo gaaray ciidamo ajaaniib ah oo ku sugnaa dalkaasi Jabuuti.
Shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Jabuuti ayaa dhankooda loo jeediyay inaysan aadin goobaha dadweynaha ay ku kulmaan ee kuyaala dalka jabuuti ayna ka fogaadaan goobahaasi.
Idale news Online, Washinton Dc. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com