Dowlada Mareeykanka oo ka hadlay Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

0
187

Benjamin Benson oo ah afhayeenka guud ee ciidaka Mareykanka ee Afrika ku sugan ee loo AFRICOM ayaa sheegay in ciidankooda ay isugu jiraan la-taliyeyaal iyo kuwo tababarayaal ah.

Benson ayaa sheegay in ciidamadooda Soomaaliya ku sugan ay u kala gooshaan goobo kala duwan oo ku yaal dalka, iyagoo ku socda koxoo yar-yar si ay u indho-indheeyaan isbedellada ammaan ee Soomaaliya ka jira.

“Qorshaha Mareykanka uu ciidamadan u geeyay Soomaaliya waa inay xoojiyaan xiriirka dhinaca amniga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, waayo xukuumadda ka jirta Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa Al-shabaab oo ah koox argagaxiso ah,” ayuu yiri Benson.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore  ayay wasaaradda difaaca Maraykanku tilmaantay in dhowr la-taliye oo ka tirsan milateriga Mareykanka ay Soomaaliya ku sugan yihiin, iyagoo ah ciidamadii ugu horreeyay ee Maraykanka uu Somalia u diro tan iyo 1993-kii oo askar Mareykan ah lagu dilay Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu sheegay ciidamada kaga sugan Soomaaliya ay yiiin kuwo gaar ah oo ku takhasusay la-talinta ciidamada maxalliga ah iyo tababariddooda si guul ay uga gaaraan howlgallada lagu nabad soo celinta Soomaaliya.

Obama

Idale News Online, Washintong.