Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo ku Raad Joogto Soo Qabashada Ragii Diley sheekh Shariif Sayid Cali( Siidkey)

0
218

Baydhabo(INO)-ka dib  markii Koox ku hubeysnaa Bistoolado ay xalay ku dileen Magaalada Baydhabo janaay  Gudoomiyaha Jameecada Ahlusunna wajameeca ee Gobolada Koonfur galbeed soomaaliya Marxuum Sheekh Shariif Cali Nuur (Siidkeey).

Marxuumka ayaa marka la dilayey ka hor waxa uu Salaada Maqribka kusoo tujiyey Jameecada Masjid ku yaalla Magaalada Baydhabo bartamaheeda iyadoo dilka Sheekh Siidkeey ay badankood dadka Reer Baydhabo ka naxeen.

Lama oga sababta loo dilay Wadaadkaasi iyo Cida ka dambeysa dilakaasi, hase ahaatee, marar badan ayaa kooxda al-shabab lagu eedayey in weeraro qursheysan oo ala beegsaneyso culmaa’udiin soomaaliyeed.

Maamulka Dawlada iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay labaduba sheegeen inay ku raad joogaan soo qabashada kooxdii dishay Marxuum Sheekh Shariif Cali Siidkeey oo maanta Meydkiisa lagu wado in isla Baydhabo lagu Aas.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here