Dowlada Koonfur Galbeed Oo Dhaqan Gelinayso Heshiiskii Degmada Afgooye

0
218

Baydhabo(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay fulinayaan heshiis dhawaan degmada Afgooye ay ku wada gaareen beelo horay ugu dagaallamay deegaanno ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

fiqi

Wasiirka beeraha iyo Waaraabka  Dowlada Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo hogaaminaya wafdi maanta tagay degmada Afgooye ayaa u sheegay Idale New Online, in socdaalkooda uu la xiriiro sidii loo fulin lahaa heshiiskii la wada gaaray.

Heshiiska go’aanadiisa waxaa ka mid ah in go’aanada fulintooda maamulka Koonfur Galbeed uu leeyahay, sidaa darteed inaan fulinno ayaan go’aan sannay, waxaan tagi donnaa Lambar 50, Marka illaa Baraawe” ayuu yiri Wasiir Fiqi

Dhinaca kale waxa uu sheegay wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed in heshiiskii ka dhacay degmada Afgooye uu ahaa mid taariikhi ah, sidaa darteedna ay iyaguna fulinayaan qodobadii la gaaray.

“Qodobada heshiiska dhammaan waa muhiim, waxaana ka mid ah in wadooyinkii la kala xirtay ee wal walka ahaa in nabad ay dadka ku wada maraan, in la helo ciidamo shacabka u adeega iyo arimo kale” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Fiqi

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa horay ugu guuleystay in miiska wada hadalka la’isugu keeno Laba Beel oo muddo badan ku dagaalamayay deegaano ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here