Baydhabo(INO)- Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u kaba gishatay sidii ay u cirib tiri lahyd Maleeshiyada Mayalka Adag Ee Alshabaab ee ku haray gobolada iyo Degmooyinka KGS sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Dowlada.
Maalmihii u dambeeyay waxaa soconayay dejinta qorshayaal lagu galayo deegaano badan oo ka tirsan goboladda Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose si loosoo afjaro xoogaga Alshabab ee halkaasi ku jira.
Ciidamadda Booliska Gaar ah Ee Dowlada Goboleedka Koonufr galbeed ayaa la sheegay in ay qaadayaan weeraro ay ku tagayaan deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo ay alshababku ku sugan yihiin.
Xubno ka mid ah saraakiisha hogaaminaya ciidanka loo diyaariyay in ay weerarka ku galaan deegaanada Alshabaab ku sugan yihiin ee Baay iyo Bakool ayaa sheegay in ay rajo xoog leh ka qabaan in ay deegaanadaas ka saaraan xarakada Alshabaab oo degeneyd mudooyin badan.
Ugu dambeyntiii, Shariif Xasan Sheekh Aadan Koonfur galbeed ayaa dhankiisa dhowaan shaaciyay in maamulkiisu xoreysan doono deegaanada Alshabaab gacanta ku hayaan ee goboladiisa.
Xafiiska Wararka Idale News Online, Baydhabo