Dowlada KG Soomaaliya Oo Isbadalo Ku Sameeneysa Maamulada Degmooyinka

0
173

Baydhabo(INO)-Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Gudaha Dalka  C/raxmaan Ibraahim Aadan, Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in isbadalo lagu Sameeynayo Maamulada hoostaga Maamulkooda.

Wasiirka ayaa sheegy in isbadaladaan lagu sameynayo Maamulada Degmooyinka iyo kuwa Gobolada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya  si loo helo Maamul tayo leh.

C/raxmaan Ibraahim Aadan  ayaa sheegay inay jiraan Maamulo liita oo u baahan in la dardargaliyo shaqooyinkooda, waxaana si taasi loo helo uu xusay in aan laga maarmin isbadlka.

Maamulo ay magacaawday Dowladda Soomaaliya ayaa hada Maamula Magaalooyinka iyo Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha hoose ee hootaga Maamulka koofur galbeed halka kuwa kalana aysan laheyn wax Maamul ah.

Ugu Dambeyntii, Dhawaan ayey ahayd ka dib markii wasiirka arimaha gudaha koonfur galbeed soomaaliya u magacaawey maamul cusub degmada buurhakaba ee gobolka bay, ka dib markii gudoomiyihii degmadaasi  kooxo hubeysn ay ku  dileen inta u dhexeysa degaanada Yaagbari weyne iyo leego ee gobolka shabellaha hoose.

Idale News Online,Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here