Nairobi(INO)-Iyadoo ay Dowlada Kenya albaabada u laabtay Xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi ku nool, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyada Kenya, Kamau Thuge.
Kamau Thuge, ayaa oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa sheegay in sababta ka dambeysay xirista Xawaaladahaasi ay tahay mid la xiriirta xogo rasmi ah oo ay ka heleen Akoonada iyo dhaqdhaqaaqyada Xawaaladaha.
Kamau Thuge waxa uu ku dooday inaysan ku degdegin go’aankaasi, balse la sameeyey baaritaaano lagu ogaaday Shaqsiyaadka iyo Xarumaha Xawaaladaha ee taageerada u fidiya Maleeshiyaadka Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in baaritaanada aysan hada ku ekaan doonin balse ay sii socon doonaan, waxa uuna carabka ku dhuftay in Akoonada qaar ay ku arkeen dhaqaale xad dhaaf ah kaasi oo aysan awoodin xitaa inay bixiyaan Dowladaha.
Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in Xawaaladaha qaar ay si hoose u taakuleyn jireen Maleeshiyaadka Alshabaab, taasina ay tahay sababta rasmiga ah oo ay albaabada ugu laaben.
Idale News Online, Nairobi