Dowlada Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo yeelanaya ciidamo gaar ah

0
214

Baydhabo(INO)-Iyadoo shalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay looga dhawaaqay wasiiro kooban oo ka tirsan maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa hadana maamulkaasi wuxuu shaaciyay in si rasmi ah loo dhameystiri doono qeybaha kala duwan ee maamulka ka haray. 
KG Army
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in dhameystirka maamulkiisa ka dib ku tala jiraan dhismaha ciidan u gaar ah maamulka oo amaanka deegaanada uu ka howlgalayo Koonfur galbeed Suga.


Wuxuu sheegay Shariif Xasan in wasiirada intaan ku koobnaan doonin,islamarkaana kuwo fara badan laga daba keeni doono,isagoona ka codsaday dadka howsha loo igmaday in si wanaagsan kaga soo baxaan.

Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya uu ku dhawaaqay magacaabista afar wasiir oo ka tirsan wasiirada soo socda ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee ka kooban seddexda gobol.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo Janaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here