Dowlada Canada Oo soo Bandhigtay Sharci Cusub Oo Ka Dhan ah Argagixisada

0
261

Toronto(INO)-Dowladda Canada ayaa soo bandhigtay sharci cusub oo ka dhan ah waxa loogu yeeray argagixisada, kaas oo ay ballanqaaday kaddib markii nin hubeysan uu weeraray dhismaha baarlamaanka sanadkii hore

CANADA

Tallaabadan ayaa laanta sirdoonka ee Canada awood u siineysa inay ka hortagto halista “argagixisada”.

Awooda waxaa ka mid ah inay joojin karaan safarada dadka Canada u dhashay ee dalka kabaxaya si ay uga barbar dagaallamaan ururada jihaaddoonka ah.

Waxaa sidoo kale awood loo siiyay inay xiri karaan am aka hortagi karaan sidoo kalena internetka ka saari karaan wixii halis ku ah Canada.

Gudoomiyaha arrimaha gaarga ah ee Canada ayaa walaac ka muujiyay xeerkan iyo ballaarinta awoodda, balse aqlabiyadda dowladda ayaa la filaayaa inay meelmariyaan sharcigan.

Axsaabta mucaaradka ayaa sheegaya inay aqrinayaan xeerkan ka hor inta aysan go’aansan inay taageerayaan iyo inkale.

Idale News Online, Toronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here