Waxaa Maanta si kadis ah lagu shaaciyay inay dhacayso Doorashada Madaxwaynaha Maamulka Jubaland State, kadib markii ay shir Jaraa’id qabteen gudiga gacanta ku haya Shirka Kismaayo.
Shaacinta kadib ayaa waxaa lagu xareeyay Jaamacadda Magaalada Kismaayo Ergadii dooran lahayd Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland taasoo sida la sheegay gaaraysay ilaa 500. Axmed Madoobe ayaa helay 495 cod halka ay diideen 5 cod oo kaliya
Goobta ay ka dhacaysay Doorashada ayaan waxaan soo xaadirin Musharaxiin Farabadan oo u hanqal taagayay Madaxwaynaha Jubbaland.
Khudbadihii shirka Laga jeediyay iyo Waraysi aan idin kaga qaadno Musharaxiintii u tar tamayay Xilka dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa Insha allah.