Doorashada Madaxtinimada dalka Uganda oo todobaadkan bilaabanaya

0
247

kampla(INO)— Ololaha Tartanka doorashada Madaxtinimada dalka Uganda ayaa si xoogan uga socda magaalooyinka dalkaas, iyadoo illaa 8 musharax ay ku loolamayaan tartanka oo uu ku jiro Madaxweynaha talada haya ee Yoweri Kaguta Museveni.Ammaanka magaalooyinka Uganda ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana musharaxiinta ay durbaba bilaabeen ololaha ay ugu jiraan kasbashada shacabka dalkaas oo maalinta Khamiista u dareeri doonaan goobaha cod bixinta.

Taliyaha Booliska Uganda Kale Kayihura ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro Al-Shabaab ka geystaan dalkiisa, isagoo cadeeyay in laamaha ammaanka ay heegan buuxa ku jiraan.

Waxaa uu sheegay in shacabkiisa ay doonayaan inay cabsi la’aan codkooda dhiibtaan, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay kala qeyb qaataan sugida amniga.

Madaxweynaha talada haya Yoweri Museveni oo 71-jir ah ayaa doonaya in mar kale ku guuleysto tartanka Madaxtinimada, isagoo shalay dadweynaha kula hadlay fagaarooyin kala duwan.

Yoweri Museveni ayaa shalay salaadii jimcaha waxaa uu masaajid ku yaalla Kampala kula hadlay boqolaal Muslimiin ah.

Museveni

Museveni ayaa soo xukumayay dalka Uganda tan iyo sanadkii 1986, waxaa uu ku jira Madaxda ugu xukunka dheer Afrika, iyadoo hey’adaha xuquuqda aadanaha ku eedeeyaan tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya kumanaan askari oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika, sanadkii 2010 ayaa waxaa Magaalada Kampala ka dhacay qaraxyo ay ku dhinteen dad ku dhow 70-ruux, iyadoo mas’uuliyada weerarkaas ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Idale News Online, Kampala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here