Dood weli ka taagan Qaraxii qasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Dalka Jabuuti.

0
188

Waxaan weli kala cadeyn qaabka loo geystay qaraxii habeenimadii Sabtida ka dhacay makhaayad ajaanibta booqdaan oo ku taal magaalada Jabuuti.

Qaraxan ayey dowlada Jabuuti ku eedaysay inay ka danbeysay kooxda Al Shabaab, walow kooxdaasi aysan weli sheegan qaraxan oo lagu beegay maalintii ay maleeshiyaadka Al Shabaab weerarka ku qaadeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa sheegtay in qaraxaasi ay geysteen labo qof oo Soomaali ah oo midi ay tahay haween, halka warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan in weerarkan loo adeegsaday bambaanada gacanta lagu tuuro.

Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhinteen sadex qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale oo u badan Askar kasoo jeeda Midowga yurub oo ay ku jiraan 6 u dhashay dalka Holland oo kasoo degay markab u jooga bada Soomaaliya la dagaalanka burcad badeeda iyo sadex askari oo u dhashay dalka Spain, sida ay xaqiijiyeen labadaasi dal.

Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah u cambareeyey weerarkaasi oo la sheegay in weli baaritaan lagu wado.

jabuuut

Idale News Online.