Jowhar(INO)— Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dood iyo muran xooggan ay ka taagan yihiin qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee beelaha Abgaal ee qaarkood aan wali loo tartamin.
Murankan ayaa ka dambeeyay markii labo ka mid ah kuraasta Beesha Harti Abgaal la dalbaday inay haween kaliya u tartamaan si loo xaqiijiyo qoondada haweenka.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay culeys ku saareyso Guddiga doorashada in mid ka mid ah labada kursi ee Beelaha Harti Abgaal ay haween hesho.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuula Sheekh Axmed Gabale ayaa ka wada Jowhar olole xooggan oo ku aadan sidii labada kursi ee haray Beelaha Harti Abgal midkood haween ugu soo bixi lahaayeen.
Qorshahan ayaa ujeedka laga leeyahay uu yahay sidii xubnaha u tartamaya labadaas kursi oo hore xildhibaano u ahaa aanay u soo laaban laheyn, kuwaasoo aan aheyn taageerayaasha Madaxtooyada.
Sidoo kale waxaa uu muran ayaa ka jiraa kursiga Beesha Daa’uud, cida ku tartameysa, waxaana laga yaabaa in kursiga doorashadiisa dib loo dhigo inta xal laga gaarayo.
Beesha Yuusuf Daa’uud ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay inay iyada kursigan hesho, maadaama Beesha Isaaq Daa’uud ay xubin ka heshay Aqalka Sare, sidaas darteed ay muhiim tahay in liiska musharaxiinta laga saaro beesha Isaaq Daa’uud, si aanay labo kursi ugu helin.
Doorashada Aqalka Hoose ee ka socotay magaalada Jowhar ayaa shalay baaqatay, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee loo baajiyay, waxaana harsan labaatan kursi.