Diyaarado Dagaal oo Duqeyn ku dilay dad Shacab oo kasoo Barakacay Duleedka Buurhakaba

0
284

Burhakaba(INO) — Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bay ayaa sheegaya in dad ka badan 10-qof oo shacab ah misana barakacayaal ah ay ku dhinteen duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal iyo sidoo kale rasaas ay toos u fureen ciidamo Itoobiyaan ah.

bur_bur-diyaarada_1

Dadkan ayaa saarnaa Gaadiid kuwa xamuulka ah waxay uga soo barakaceen deegaanka Daladoolle oo ku dhaw degmada Buurha-kaba, balse gaadiidkii ay la socdeen ayaa la sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen.

Haweeney ku sugan Degmada Buurhakaba oo Duqeyntaas kaga dhinteen Afar Caruur ah oo ay eedo u tahay iyo Hooyadood ayaa u sheegtay Warbaahinta in duqeynta kaddib ay Ciidamada Itoobiya si bareer ah u dileen dad kale oo ka badbaaday duqeyntaasi iyo sidoo kale shacab Guryahooda ku jiray.

Khasaaraha dhimashada ayaa intaasi ka badan kara, waxaana adag in khadka Taleefoonka lagu helo Dadka ku dhaqan Deegaanada Duqeyntaan ay ka dhacday, iyadoo Sidoo kale ay jiraan dad dhaawacyo halis ah qaba, laakiinse aan helin gurmad caafimaad.

Wixii kasoo Kordha Duqeyntan iyo Khasaaraha ka dhashay Waxaad kula Socon Doontaan Wararka soo Socda ee Idale News Online haddii ALLE Ogolaado.

Idale News Online, Burhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here