Diyaaradii Somali Airlines oo muddo ka yar labo bil duulimaadyadeedii dib u bilaabi doonta.

0
265

Diyaaradii Qaranka Soomaaliya ee Somali Airlines, ayaa waxay si rasmi ah ay uga shaqo bilaabeysaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta C/Laahi Ciilmooge Xersi, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in diyaarada Somali Airlines ay ka shaqo bilaabi doonto Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay inta u dhaxeyso 60 ilaa 90 maalmood gudahood, inay duulimaadyo Somali Airlines uga bilaabi doonto Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

somali-airlines

Masuulkaan ayaa wuxuu ka gaabsaday inuu sheego halka ay xilligaan ku sugan tahay diyaarada Somali Airlines, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u habayn uu ku socdo diyaarada, uuna maraayo sida uu sheegay heer gaba gabo.

Wasiirka Isgaarsiinta, Gaadiidka Cirka iyo dhulka ayaa wuxuu kaloo sheegay inay amuurtaan ku timid dadaalada ay sameyneyso Xukuumada uu hogaamiyo Raa’isal Wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Idale News Online Mogadishu