Diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya oo saaka aanan soo caga dhigan Garoonka Aadan Cadde

0
169

Muqdisho(INO)- Iyadoo subax waliba aroortii ay imaan jirtay Magaalada Muqdisho Diyaarad weyn oo sida qaad fara badan oo laga keenay dalka Kenya, ayaa saaka waxaan jirin Diyaarad qaad sida oo ka timid dalka Kenya, kadib go’aankii Dowladda Federalka Somaliya ay ku hakisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya.

Qaadka la keeno Magaalada Muqdisho ee laga keeno dalka Kenya ayaa gaari jiray 16 Diyaaradood, waxaana loo sii kala qaybin jiray Gobolada dalka oo Diyaarado yar yar ay u qaadi jireen, hayeeshe saaka guud ahaan ma jirto qaad ka yimid dalka Kenya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Ilo Wareedyo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in Shaqada Garoonka si habsami leh ay ku socoto, Diyaaradaha Kenya ka imaan jiray ee qaadka keeni jiray oo aroortii hore soo caga dhigan jiray Garoonka inaysan maanta imaanin.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in la hakiyay qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya muddo aanan la shaacin, waxayna Dowladda sheegtay in guud ahaan dalka aysan imaan karin Diyaarado qaad sida.

Ganacsatada dalka Kenya ee ka shaqeysata qaadka ayaa sheegay go’aanka Dowladda Somaliya inuu saameyn ballaaran ku yeeshay, maadaama dhaqaalo fara badan uu ka soo geli jiray Ganacsatadaasi qaadka Somaliya ay u soo dhoofin jireen.

Sidoo kale ka ganacsiga qaadka ayaa waxaa faa’iido weyn ku qaba Hooyooyin badan oo Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ku nool, kuwaasi oo nolol maalmeedkooda ka raadsada ganacsiga qaadka, caruurtoodana nolol uga raadiya.

Saameynta ka dhalatay joojinta qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho oo goobaha kala duwan ee Bulshada ay isugu timaado si weyn loo hadal haayo.

Shalay markii arintaan ay soo baxday ayaa durba Magaalada laga dareemay isbedel ku yimid qiimihii qaadka la kala siisan jiray oo sare u kac xoogan uu ku yimid.