Diyaaradaha Dowladda Kenya ayaa Xalay Duqeyey Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Labo Diyaaradood oo Dowladda Kenya ay leedahay ay Xalay Duqeeyeen Degmada Faxfax-dhuun iyo Ceel Cade ee Gobolka Gedo.
Duqeeynta ayaa Geeysatay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo garay Dad Shacab ah oo goobta ku sugnaa,sida Wararku ay sheegayaan.
Gudoomiyaha Degmada Faxfax-dhuun Sheikh Maxamed Deeroow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Duqeynta Diyaaradaha Kenya ay ku Geeriyoodeen ugu yaraan Saddex Qof inta ay arkeen,Dad banad oo dhaawacana ay jiraan.
Sheikh Maxamed ayaa sheegay in Diyaaradaha Kenya ay Shacabka ku nool Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay Dhibaato ku qabaan,oo Xili kasta ay Duqeyn joogto ah ay ku hayaan.
Dhanka kale Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Keyna iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya oo siku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa isla xalay ka dhacay Degmada Faxfax-dhuun.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Dagaalka ay Al-shabaab soo qaadeen islamarkaana ay ku Geeriyoodeen 4 Ruux oo Dhinacyadii dagaalamay ah.
Idale News Online, Gedo.