Diyaaradaha Dagaalka Dalka Kenya oo Duqeyn Ku Rusheyay Gobolka Gedo iyo Warar Kala Duwan oo Kasoo Baxaya

0
217

Jilib(INO)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa duqeyn ba’an waxa ay ka geysteen deegaano badan oo ka mid ah gobalka Gedo, halkaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Duqeyntaan oo saaka bilaabatay ayaa soo gaartay illaa maanta Barqadii, waxaana la duqeeyay deegaano ku dhaw degmada B/xaawo ee gobalkaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Duqeynta ayaa ahayd mid aad u culus, waxaana ku dhintay Afar qof oo shacab ah, sidoo kalena waxaa jira dhaawac iyo xoolo halkaasi ku baaba’ay.

Shacabka ayaa kusoo yaacay degmada B/xaawo iyo meelaha kale ee nabdoon, waxaana la sheegayaa in Kenya ay u aargudayaan dadkii dhawaan looga dilay degmada Mandheera.

Idale News Online, Jilib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here