Dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee Minneapolis.

0
240

Soomaali farabadan oo isaga carartay dagaalada sokeeye, ayaa nabad galyo iyo nolol wanaagsan u raadsaday daafaha Caalamka.

Meelaha ay dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu qaxeen waxaa kamid ah dalka Mareeykanka, gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Waayihii danbe Soomaalida ku nool Minneapolis, waxaa soo wajahay dilal xiriir ah oo loo geeysanayo dhalinyarada.

Dilalka ayaa isugu jira kuwo ay Soomaalida dhaxdooda is dilaan iyo kuwo ay u geystaan madowga iyo Cadaanka halkaas ku dhaqan.

Waalidiin badan oo ku nool Minneapolis, ayaa waxaa laga dilay Caruurtooda, iyadoo aan ilaa iyohada maxkamad lasoo taagin danbiilayaashii dilkaas geystay.

Booliska magaalada Minneapolis, ayaa gacanta kusoo dhigay Gacan ku dhiiglayaal dilay dhalinyaro Soomaaliyeed, gaar ahaan dilalkii ugu danbeeyay ee dhacay.

Waalidiin badan oo u badan Hooyooyin, ayaa Talaadadii lasoo dhaafay isugu yimid Xaruunta Brian Coyle Center ee Minneapolis, waxayna ka qeyb galeen kulan looga hadlayay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilay Minneapolis.

Dhamaan waalidiinti ka hadashay kulankaan, ayaa is weydiiyay sababta loo dilo dhalinyarada Soomaaliyeed?

“Wadankeena waxaan uga soo cararnay inaan Nabad galyo ka helno Mareeykanka, waxaan maqlayay Rasaas lala dhacay wiilkii ugu danbeeyay ee Somaaliyeed, wali ma maqal sababta loo dilay iyo cida dishay” sidaa waxaa tiri Hooyo Sarah Ismail, oo kamid ah Hooyooyinka kulanka ka qeyb galay.

Inta badan dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed, waa mid salka ku haya Mukhaadaraad, waxaana ugu danbeeyay Fu’aad Cali oo 31 jir ah.

“Halkaan kama jiro Amaan”.

Qaar kamid ah waalidiinta Caruurtooda la dilay, ayaa diiday ineey faah faahin ka bixiyaan qaabka loo dilay, maxaa yeelay kiiski ayaa wali furan, halka qaarkood ay sheegeen in ay damqanayaan kana sheekeyn karin sida loodilay Caruurtooda.

Ilyaas Maow, oo ah tifatiraha wargeys lagu magacaabo “Minneapolis-based Mogadishu Times, ” ayaa sheegay in sanadkaan oo kaliya la dilay ilaa 10 dhalinyaro Soomaali ah, waxaana ku jira saaxiibkiis Cali.

“Fu’aad Cali waxa uu ahaa saaxiibkeey mudo ayaan is naqaanay, waxaan dul istaagay Meydkiisa waxaana jirkiisa ku yaal dhowr xaboo Rasaas ah” sidaa waxa yiri Ilyaas Maow.

Maow,ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen in dilka uu yahay mid ku kooban kuwa Daroogada isticmaala, laakiin dilka Fu’aad Cali, ayaa qisada ka dhigay mid sidaas ka duwan, waxaana Soomaalida dhamaan soo wajahday Cabsi weyn.

“Markaan maqlay dilka Fu’aad, waxaan ogaaday in uusan jirin qof amaan ku haysta Minneapolis” sidaa waxaa yiri Ilyaas Maow.

“Wuxuu ahaa nin qoys leh oo Ganacsada, mardhow ayuuna ka baxay Jaamacada, maxaa loo dilay, majirto cid garaneysa” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

officer-alice-white_mainDadka ka hadlay Goobta,waxaa kamid ahaa Alice White, oo xubin ka ah Booliska Minneapolis, waxay sheegtay in loo baahanyahay in waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qeyb qaatay sidii loo joojin lahaa danbiyada dilalka.

“Hadii mujtamaca Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan raadinta kuwa geysta danbiyada Yar yar, waxaa xaqiiqo ineeysan dhici lahayn danbiyada waaweyn” ayay tiri Alice White.

 

Idale News Online, MN, USA.