Muqdisho (INO) – Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa Maanta waxaa ay soo Qabanqaabiyeen Dibad bax weyn, kaasoo looga soo Horjeedo Xaalufka lagu hayo Kheyraadka Badda iyo Sunta ay Maraakiibta Shisheeye kusoo Shubayaan Biyaha uu Dalku leeyahay.
C/llaahi Maxamed Shirwac oo ah Guddoomiyaha Daladda Jilaayaasha aan Dowliga aheyn SOSCENSA oo Koofurta iyo Bartamaha Dalka ka shaqeysa ah ayaa Warbaahinta Muqdisho u sheegay in ay Banaan baxan ka Damacsanyihiin in ay ku Muujiyaan Shucuurta dadka ee ku Beegan Xaalufka Kheyraadkeena.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay Dhankooda Go’aansadeen in ay dadka Soomaaliyeed ee Hantidooda Sharci Darrada lagu qaadanayo ku Booriyaan sidii ay Shucuurtooda u Muujin lahaayeen.
Idale News Online – XMuqdisho