Baydhaba:Waxaa maanta lagu waday xaflad balaaran ooo lagu dhaarin lahaa Xubnaha Golaha Guurtida Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa ku yimid dib u dhac,ka dib markii siyaasiyiin& waxgarad laga sugaayey muqdisho ay soo yara dib dhaceen.
Gollahaan Guurtida ee Odayaasha KG soomaaliya oo ka kooban ku dhawaad 60 Xubnood ee dhawaan la soo xulay ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay dhacdo Xaflada lagu dhaarinayo.
Dib u dhacaan oo maanta ku yimid dhaarinta Gollaha Guurtida ayaa loo sababeynayaa in qaar kamid ah Gollaha howlo shaqo ah ugu Maqanyihiin Magaalada Muqdisho, lana filayo inay beri soo gaaraan Magaalada Baydhabo.
dhan kale waxa Maalinta beri kusoo wajahan magaalada Baydhabo janaay ee caasimada Dowlada KG soomaaliya, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin si weyn looga yaqiino Hoyga soomaaliya oo hogaaminayo Xildhabaan Sheekh Aadan Madoobe iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil.
War hoose oo ay heshey Shabakadda Idale News Online (INO) isla markaana aan la shaacin ayaa sheegaya in C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Sheekh Aadan Madoobe iyagana ay kamid yihiin Musharixiinta u taagan qabashada jagadda Madaxtinimda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dhaan loo tartami doono.
xasan basha
Idale News Online, Baydhaba Janaay.