War gowr dhow naga soo gaaray Villa Somalia, ayaa sheegaya in Socdaalka Madaxweyne Xassan Sheikh Ee Kismaayo uu kuimaaday dib u dhac.
Mas’uul ka tirsan Maamulka KMG Jubba ayaa shabakadda u xaqiijiyay in Saakay la filaayay in Madaxweynaha uu kasoo dego Kismaayo, balse war ay heleen uu sheegaayo in si lama filaan ah uu dib u dhac ugu imaaday Socdaalka Madaxweynaha balse la filaayo inuu gaaro Kismaayo.
Inkastoo si faah faahsan aan loo sheegin ujeedka dib udhigay safarkii maanta Xasan shiikh ku tagi lahaa kismaayo ayaa hadana waxa la sheegay in maanta Axmed Madoobe iyo Odayaasha soo doortay ay kulan qaadanayaan.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan ayaa dhowr jeer ka baaqday Socdaaluu ku gaari lahaa Magaalladda Kismaayo, waxa uuna dib u dhacaani qeyb ka noqonaaya Dib u dhacyadii hore eek u imaaday Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.
Idale News Muqdisho