Iyadoo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu ka socda wajigii 2aad ee wada hadaladii u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kaasoo maanta oo Isniin ah bisha July ay tahay 7 2013 ka furmay halkaasi waxaa dhinacyadu isla gaareen qodobo dhowr ah.
Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ah xogheynta gudiga dowlada soomaaliya uga qeyb galaya wada hadalaa ayaa warbaahinta u sheegay qodobada ka soo baxay shirka,waxana ka mid ah
- In la isku furo isku socodka siyaasiyiinta,iyo qeybaha bulshada labada dhinac
- In shirarka danbe ay ka dhacaan dalka gudihiisa ha noqoto Muqdisho ama Hargeysa.
- In la sameeyo xeer u gaar ah oo ay gudiyada labada dhinac isku maamuulaan shirarka danbe ee soo socda,si meesha looga saaro hadalo la isku marinayo warbaahinta,ama waxyaabaha caqabad ku noqon kara shirarka danbe.
Wafuuda ka socotay maamulka Somaliland ayaa muujiyay walaac ku aadan habka maamulka hawada soomaaliya maadaama ay dowlada Soomaaliya ku guuleeysatay in ay dib ula soo noqotay maamulka hawada soomaaliya.
Wajiga 2aad ee wada hadalka u dhaxeeya wafuuda ka kala socota dowlada soomaaliya iyo maamulka somaliland ayaa ilaa caawa ka sii socon doona magaalada istabul waxana la filayaa in la soo gabagabeeyo beri galinka danbe.
Xubnaha ka soo jeedo maamulada Puntland iyo Khaatumo iyo inta badan xildhibaanada beelahaasi ugu jira Barlamaanka dowlada Federaalka ayaa si aad ah ugu soo horjeeda qaabka ay dowladu u wado wada hadalada lala leeyahay Maamulka Somaliland iyo ku dhaliiley dowlada in dadkii deegaanada ka soo jeeday ay marti ka yihiin iney ku lug yeeshaan aayaha jiritaankooda iyo midnimo dalka.
Idale News Online