Cadaado (INO) Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Madaxweynaha maamulka Galmudug, ahna musharax xiligan u taagan xilka Madaxweyne ee maamulka laga dhisayo goboladda dhexe ayaa wax shacabka Soomaaliyeed xad gudub ku ah ku tilmaamay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ka dhacay magaalada Garoowe.
Gen Qaybdiid oo la hadlayey Idaacada Codka Maraykanka VOA ayaa sheegay qodobka ka hadlaya gobolada dhexe inuu ka hor imaanayo qodobo kamid ah Dastuurka dalka Soomaaliya.
“Adeer xad gudub buu ku yahay shacabka Soomaaliyeed iyo labadan gobol, dadku iyagaa leh aaya ka talin tooda, markaa waxaan u arkaynaa inuusan sal ku lahayn dastuurka dalka u yaal,” ayuu yiri Gen Cabdi Qaybdiid.
Gaba gabadii Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in Cabdiweli Gaas iyo Xasan Sh Maxamuud aan midkoodna wax laga waydiinayn masiirka shacabka gobolada dhexe meeshii ay rabaana wax la qaybsan doonaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Cadaado